U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle Oo Amaanay Xiriirka Dalkiisa La Leeyahay Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu ku tilmaamay xiriirka uu waddankiisa uu laleeyay Itoobiya inuu yahay mid soo jireen ah oo qoto dheer, isagoo tilmaamay in iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal uu u yahay tusaale wanaagsan qaaradda Africa.

Hadalkaan ayuu ka hor jeediyay baarlamaanka Itoobiya, isagoo booqasho ku tagay caasimadda Itoobiya ee Adis-abab,waana markii Labaad uu Ismaaciil Cumar Geelle uu booqdo Itoobiya tan iyo markii uu qabtay xilka sanadkii 1999 kii.

Madaxweyne Geelle ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Jabuuti ay ka dhaxeeyaan xiriiro dhanka ganacsiga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo aad u adag, isagoo xusay in xiriiradaas ay ku qotomaan dhinacyo badan ayna qaarkood qaarka kale ay dhamaystirayaan.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay ayaa Madaxweyne  Geelle waxa uu xarigga ka jaray waddo qad tareen ee dheereeyo, kaasi oo isku xiro Itoobiya iyo Jibuuti.