U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Baaq U Direy Xildhibaannada Laga Soo Doortay Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xildhibaannada lagu doortay dhowaan Cadaado ku wareejiyay shahaadooyinka xildhibaanno.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in xildhibaannada Cadaado ka soo baxay uu kula dardaarmayo ka shaqeynta cadaaladda iyo in dadkooda ay u hagar baxaan.

Munaasabad sagootin ah oo xildhibaannada cusub xalay loogu qabtay magaalada Cadaado ayuu madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed ka sheegay in afar sano kadib Cadaado loo soo laaban doono sidaa darteedna ay bulshada sinnaan iyo si wanaagsan ugu shaqeeyaan.

“Dardaaranka aan idiin siinayo waxa weeye qaranka iyo degaanka masuuliyad ayaa idinka saaran, inaad isku duubnaataan oo ka Galmudug ahaan aad isugu xirnaataan, dadka iyo degaanka haloo shaqeeyo waa loo soo laaban doonaaye afar sano kadib lama huraan waa cowska jiilaal” ayuu yiri Guuleed.

Dhanka kale, madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u mahadceliyay guddiyada doorahada ee heer federaal iyo heer gobol oo uu sheegay in dhibaatada ugu badan ay iyaga qabaan.

Shalay ayaa la soo gabegebeeyay doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka taasoo ka socotay magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News