U bood dhigaalka

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Oo Ku Kulmay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wafadi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan ayaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kula kulmay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Siilaanyo oo arrimo dhowr ah ay ka wada hadleen.

Kulanka oo saacado qaatey ayaa looga hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland sidii sare loogu sii qaadi lahaa iyo sidoo  kale sidii Labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhanka amniga.

Xubnaha la socdey wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti waxaa kamid ah taliyaha guud ee ciidanka Booliiska dalkaasi gaashanle sare Cabdilaahi Cabdi Faarax, taliyaha qabtay socdaalka Cabdiqaadir Ibraahim Gona, iyo  madaxa la dagaalanka iyo kahortagga argagixisada caalamiga ah Cilmi Daahir.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socday dowladda Jabuuti ay casumaad rasmi ah ka heleen Somaliland, islamarkaana arrimaha ugu badan ee laga shiray ay ahayd iskaashiga dhanka ammaanka.

“Sharaf bay inoo ahayd in wafdi heerkaan ah inooga yimaadaan walaalahayaga Jabuuti, waxaanu ka wada hadalnay sare u qaadista xiriirkayaga, iskaashiga dhanka ammaanka iyo sidoo kale la dagaallanka argagaxisada iyo xog iska siintooda intaba” ayuu yiri Afhayeen Deyr.

Wafdiga ka socda dowladda Jabuuti ee ku sugan Hargeysa ayaa kormeer ku tagi doona xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaasi, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee Somaliland.

Goobjoog News