U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare: Federaalka Aan Ku Dhaqanno Ama Aan Iska Deyno

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo ay hareer mareen heshiis ay 5-tii bishan ku gaareen magaalada Muqdisho dowladda Federaalka iyo maamuyl goboleedyada.

Wuxuu sheegay in dowladda ay ka baxday heshiiskii ahaa in lagala tashto maamul goboleedyada Hindise sharciyeedyada kahor inta aan loo gudbin baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ballan ka lahayn in Hindise sharciyeedyada la horkeenayo Baarlamaanka wadatashi laga sameeyo, iyadoo la is tusay muhiimad ay leedahay, wixii shirkeenii ka dambeeyay waxaa baarlamaanka la horkeenay hidise sharciyeedyo, waxaan rajeyneynaa in sidii ballanta ahayd nalagala tashado sharciyadaasi, la tashigaasina aan fikradeenna iyo dareenkeenna ku biirinno”

Sidoo kale madaxweyne Waare ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in wadatashi lagala sameeyo maamullada hindise sharciyeedyada, kahor meelmarinta baarlamaanka.

“Annaga waxaan dalbaneyno waa wadatasho oo kaliya oo fikradeenna lagu daro sharciyadan, waxaana saldhig u ah waxaa soo dhan in la hirgeliyo barnaamijka federaalka, runtii inaan federal qaadanno oo wuxuu qabo aan ku dhaqanno ama intaan iska deyno oo dhahno naga daaya ayaa la rabaa, laakiinse inaan dhahdo federal ayaan nahay hadana aan u dhaqanno in waxa oo dhan isku meel wax ku jiraan waa nasiib darro” ayuu yiri Waare.

23-kii bishan, qoraal kasoo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dalbaday iney hakiyaan ka doodista iyo meelmarinta hindise sharciyeedyada aan iyaga lagala tashan.

Goobjoog News