Madaxweyne Waare Oo Ku Wajahan Magaalada Baladweyne
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii xilkaasi loo doortay ku tago magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka waxay sheegayaan in magaalada B/weyne ay ka socoto qaban qaabada soo dhoweynta madaxweyne Waare.
Ammaanka magaalada B/weyne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xubnaha soo dhoweynaya kamid ah guddoomiyaha cusub ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa magaalada B/weyne kula kulmi doono waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News