U bood dhigaalka

Madaxweyne Waare Oo Maanta La Caleema Saarayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe lagu qabto munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Magaalada Jowhar waxaa aad looga dareemayaa qabanqaabada munaasabaddan, iyadoo lasoo sheegayo in amniga guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyay  amniga Jowhar, waxaana si gaar ah ay u adkeeyeen halka la doonayo in lagu qabto munaasabadda Caleema Saarka.

Waxaa la filayaa iney ka qeybgalaan wufuud kala duwan, iyadoo xubno ka socda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tagi doonaan halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News