U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Dalbaday Xildhibaannada Galmudug Iney Tirokoob Ku Sameeyaan Dadka Abaartu Saameysay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka dalbaday xildhibaannada maamulkiisa inay soo tira koobaan dadka ay abaaruhu saameeyeen deegaannada Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in ay muhiim tahay in baarlamaanku ay ka war hayaan dadka ay ku matalaan sharciga, si ay u sahlanaato caawinta dadka abaaruhu asiibeen.

Xildhibaannada ayaa markii ay tagaan deegaannadooda islamarkaana warbixin buuxda keenaan waxay la wadaagi doonaan baarlamaanka, madaxweynaha iyo sidoo kale guddiga gurmadka abaaraha ee heer maamul goboleed.

Dhanka kale Galmudug ayaa kaalmo lacageed kala wareegtay guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Iyadoo bisha Barakaysan lagu guda jiro ayaa degaanno badan oo gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka jira saameynta ay reebtay abaartii dalka ka dhacday oo ah in dadkii ay xoolo la’aan dhigtay iyo cudurro kala duwan oo aan horey loo arag qaarkood.

Goobjoog News