U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf Oo Wadahadal Ugu Baaqay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa wadahadal ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xaaf oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dowladda looga baaan yahay iney wadahadal la gasho maamul goboleedyada.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xaaf in muhiim ay tahay oo kaliya in laga wadashaqeeyo danta dalka iyo dadka, bedalkii dowladda ay ku mashquuli lahayd maamul goboleedyada.

“Dowladda Federaalka waxbaan kala tirsaneynaa, iyaga unbaa illaa hadda difaac uga jirnaa, walaalahayaga waxaan leenahay aan wadahadalno oo aan isku imaanno, kulligeen waxaan u shaqeynayno waa horumarka dalka..waxkasto oo danta umadda Soomaaliyeed ku jirto kulligeen waa inaan iska kaashannaa, gacmaha is qabsannaa, kuwa nabad diidka ah inaan ka wada hortagno ayaa loo baahan yahay, dowladda Federaalka waxaan leenahay annaga na daaya cadowga aan la diirino” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir wuxuu uga furmi doonaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, walow shirkaasi uu dib uga dhacay inuu furmo maanta oo Axad ahayd.

Goobjoog News