U bood dhigaalka

Madaxweyne Xaaf “Reer Galmudugow Qoorteenna Ayaa Lagu Dirirayaa”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay farogelin cad ku hayso maamulkiisa, islamarkaana lagu dirirayo qoorta reer Galmudug.

Xaaf oo shalay dib ugu laabtay degmada Cadaado ayaa sheegay in dowladda ay saacado badan diyaaraddii uu watey ku xayirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Waxa uu tilmaamay madaxweynaha in beesha caalamka iyo cid walbo oo daneysa arrimaha Soomaaliya u sheegayo in dowladda dhexe ay maamulkiisa dhabar jab ku waddo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, madaxweyne Xaaf ayaa soo hadal qaaday khilaafka kasoo dhex cusboonaaday maamulkiisa, wuxuuna sheegay in wixii Galmudug dhexdeeda ah si hoose loo dhaqi doono.

“Waxaan idiin sheegayaa reer Galmudugow, annaga ayaa isku dhan, qoorteenna ayaa lagu dirirayaa, aad ayaan idiin kaga mahadcelinayaa sida isku duubnida ah oo midnimada ah aad muujiseen Labadaan beri, marka Labaad wax allaale iyo wixii jira oo annaga dhexdeenna ah inaan gacmaheenna hoos u dhaqno oo is waansanno iney fiican tahayna waan filayaa, waxa kaliya aan wax ku gaareynaa waa midnimo, haddaan midnimo weynnay waan lunnay ogaada….6-dii aroornimo ayaan imid Hargeysa, diyaaraddii aan soo kireystay ayeey dowladda Federaalka iga celisay, 5 saacadood ayeey iga celineysay diyaaraddii oo wax kasta lagu gor goriyey, intaas ogaada oo maskaxdiina sii geliya, dagaal cidiyo dirir ah oo aan fiicneen baa socda, waxaan umadda reer Galmudug, umadda Soomaaliyeed, dowla goboleedyada, dowladaha adduunka, UN-ka iyo cid walbo ogeysiinayaa arrinta farogelinta ah ee dowladda Federaalka nagu haysaa waa arax jab reer Galmudug loola jeedo, inaanu ka fiirsanno oo aanu kulligeen ogaanno, oo aan iska ilaalinno kuwa naloo soo diri doono, reer Galmudugow iska ilaaliya kuwa naloo soo diri doono, waa masaabiir indhaha idinka mudeysay, ma ahan dad caadi ah, ma ahan umad aan aragnay, ilaahay hanaga celiyo annagane aan iska celinno reer Galmudugow” madaxweynaha maaamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sidaasi yiri.

Goobjoog News