U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Ciidamadeennu Waxay Mudan Yihiin Inaan u Aqoonsanno Geesiyadeenna

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha oo hadal ka jeedineyey xarunta dowladda hoose ee Muqdisho in amniga guud ee magaalada hadda yahay mid aad uga soo hagaagay sidii uu ahaa, islamarkaana hadda la marayo heer xilli saqdhexe ah ay madaxdu tagaan halkii ay doonaan iyo sidoo kale wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ammaanta arrintaasi ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir oo arrintaasi ka shaqeeyay iyo sidoo kale ciidamada amniga.

Madaxweynaha ayaa ku ammaaney ciidamada dowladda Federaalka iney yihiin geesiyaal waqti badan ku bixiyey sugidda amniga, sidoo kalena ay mudan yihiin in loo aqoonsado geesiyada Soomaaliya.

“Ilaahay mahaddiisa waaye, ammaaanka inta aan soo gaarney ilaahay ayaa mahad ku leh, saacaddaan caawa saqdii dhexe Lix saac inaan gobolka Banaadir joogno, oo diplomas-iyiinta caalamka qaarkood ay nala joogaaan oo kalsoonidaasi lagu joogo waa horumar iyo nimco ilaahay ina siiyey, annagane isku kalsoonaanno oo isku amaanno inta dambena aan dhameystirano, waxaa mahaddaasi leh dabcan dowladda federaalka oo caasimadda saldhig u tahay iyo maamulka gobolka Banaadir oo uga sii hooseeyo oo taladii haya oo suurtageliyey in waxaasi ay dhacaan ayaana mahadaasi u noqoneysaa iyo ciidamadeena amniga oo habeen iyo maalin taagan qabowga, roobka iyo qoraxda intaba, waxay mudan yihiin inaan ku faanno oo u aqoonsanno iney yihiin geesiyadeena” ayuu yiri Madaxweynaha.

Amniga Muqdisho ayaa soo hagaagayey muddooyinkii ugu dambeeyey,  waxaana magaalada weli ka socda dib u dhis iyo sidoo kale maalgashi ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News