U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Maanta Aan u Dhaqaaqno Inaan Badbaadinno Naf Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu kulan la qaatey safiirada wadamada Jaamacadda Carabta u jooga Soomaaliya, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed ee abaarta dalka ku hayso loogu gurman lahaa.

Dowladda Federaalka ayaa dalalka Jaamacadda Carbta ka codsatey iney Soomaaliya ugu yaboohaan dhaqaale loogu gurmado dadka abaarta hayso.

Mas’uuliyiinta u hadashay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in jawaab degdeg ah ay ka bixin doonaan xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, kuna baaqeen in dalalka Jaamacadda Carabta ay ku midoobaan wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in abaarta Soomaaliya ay meel adag mareyso, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in arrinta gurmadka aaney u kala harin.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in meel walbo oo dowladda Federaalka daqli kasoo galo ay saari doonto tiro kooban oo lacag ah, taasi oo lagu wareejin doono guddiga abaaraha ee Qaran si dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo gurmad degdeg ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu sidoo kale madaxweynaha ugu baaqey in kaalinta ugu xooggan ay ka qaataan abaaraha dalka, sidoo kalena ardayda Dugsiyada iyo Jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo shaqaalahooda iyo cid walbo oo Soomaaliyeed ayuu ugu baaqey in ay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha.

“Abaarta waxay aad u taabatay qaab nololeedka dadkeenna, dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa meel walbo oo ay joogaan in maanta aaney waxbo reeban, ciddii kari kartaa in Saddexda waqti la cunayo Labo kamid ah bixiso ayaan ugu baaqayaa, dowladda Soomaaliya inta karaankeeda ah ayeey dhaqaaqi doontaa, dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa daqliga dowladda meelaha uu ka yimaado oo ay kamid yihiin Canshuuraha, Dekadaha, Garoomada diyaaradaha, Canshuuraha Bariga meel walbo dowladda waxay saari doontaa tiro kooban oo lacag ah , lacagtaasi oo si toos ah loogu wareejin doono guddiga qaran ee loo aas aasay abaaraha oo dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan loogu qeybin doono loona gaarsiin doono, dadka Soomaaaliyeedna ha u diyaar garoobaan, ganacsatada Soomaaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney fududeeyaan arrintaasi, aad iyo aadna ugu dhaga nuglaadaan, Ardayda Dugsiyada, Jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo shaqaalahooda waxaan dhammaan ugu baaqayaa iney ka wada qeybqaataan gurmadka abaaraha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dowladda Federaalka ay waddaa dedaal ay beesha caalamka, wadamada daneeya Soomaaliya, dalalka Jaamacadda Carabta uga dhaadhicineyso in kaalin ay ka qaataan gurmadka abaaraha.

001 002 003 004
Goobjoog News