U bood dhigaalka

Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Faransiiska Oo Ka Wada Hadlay La Dagaalanka Argigixisada

Sheeko:Dalka

Wa-murtiyeed ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Turmp iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay wadahadleen shalay oo Jimco aheyd. Labada mas’uul ayaa waxay ka doodeen howlgalka wadajirka ah ee la dagaalanka argigixisada xeebaha Afrika.

Ciidamada Mareykanka ayaa shalay oo Jimco aheyd sheegay in askari afaraad oo mareykan ah lagu dilay weerar ka dhacay arbacadii dalka Niger, taasi oo kor u sii qaadeysa tirada dhimashada ah ee dhacday, diiraddana lagu saarayo muhiimadda la-dagaalanka argigixada Mareykanka uu ka wado halkaasi.

War-murtiyeedka ka soo baxay aqalka cad waxaa lagu sheegay in Macron uu ka tacsiyeeyay waxyeeladii toogashadii ka dhacday Las Vegas maalintii axadda aheyd, halka Trump uu isna uga tacsiyeeyay dhiggiisa waxyeeladii uu geystay weerarkii Marseille, kassi oo dhacay maalintii Isniinta aheyd.

Goobjoog News