U bood dhigaalka

Madaxweynihii Galmudug Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay, kadib qoraal uu kasoo saarey xafiiskiisa.

Qoraalkan oo ku taariikheysan 25-02-2017, ayuu ku sheegay in xaalad caafimaad darteed uu isku casilay, isaga oo sii eegaya howlaha badan ee shacabka Galmudug u baahan yihiin in loo qabto.

Sidoo kale qoraalkiisa waxa uu ku sheegay madaxweyne Guuleed inuu garwaaqsaday talooyin gaar ah oo uu usoo jeediyey dhaqtirkiisa, maadaama uu maalmahan dambe xanuunsanayey.

Halkaan hoose ka akhriso is casilaadda Mudane Guuleed

Mr

Goobjoog News