U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Sheeko:Caalamka

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayey kadib lix sano oo uu maxbuus ahaa.

Abuukaate u hadlay Mubaarak ayaa sheegay in uu ka baxay Isbitaalka ciidamada xoogga halkaas oo muddooyinkan ku jiray, waxaa uu aaday gurigiisa isaga oo xor ah ayuu intaa raaciyay.

Bishan ayaa lagu waayey eedeyntii la xiriirtay dil loo geystay dibad-baxayaal lagu toogay kacdoonkii dalkaasi ka dhacay 2011-kii kolkaas oo xilka uu iska casilay, lana xiray.

Waa Kuma Mubaarak:

Maxamed Xusni Mubaarak waa 88 jir, noqday madaxweynihii 4aad ee dalka Masar, waxaa uu ka tirsanaa ciidamada xogga dalka, illa markii dambe uu guul ka gaaray ciidamada cirka.

Xusni Mubaarka waxaa uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada cirka dagaalkii Isra’il lagu jabiyay 1973-di, Madaxweyne ku-xigeen u ahaa Ansar Sadaat intii u dhaxeysay 1975-181-dii, kadib waxaa uu noqday madaxweynaha Masar markii la dilay Sadaat jagadaasi uu hayey illaa laga tuuro 2011-kii.

Kacdoonkii 2011-kii dalkaasi ka dhacay ee xukunka looga tuuray kadib, waxaa xabsiga la dhigay isaga iyo labada wiil uu dhalay ee Jamaal iyo Calaa, dacwado badan ayaa lagu soo oogay, laakin waa mid isaga iyo labadiisa wiilba ay maanta dibadda ka joogaan

Goobjoog News