U bood dhigaalka

Madxweyne Farmaajo Oo Baaq u Diray Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa baaq u diray xildhibaannada golaha shacabka, kaasi oo ku aadan iney ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Farmaajo ayaa sheegay in uu ka dhabeeyay ballantii ahayd in waqti badan aanu ku bixin magacaabista Ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale dhismaha xukuumad cusub.

Waxa uu tilmaamay Farmaajo in sidoo kale shacabka Soomaaliyeed laga doonayo iney la shaqeeyaan xukuumaddan cusub.

“Waxaan rabaa in dardaarn u jeediyo shacabka iyo golaha shacabka iney la shaqeeyaan golaha wasiirada oo ay kalsooni iyo gacan siiyaan, golaha shacabka waxaan kula dardaarmayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan golaha wasiirada ah oo aan aaminsanahay iney leeyihiin aqoontii, kartidii iyo hufnaantii, runtii balantii aan qaadey ee ahayd in wasiirada lagu soo dhiso 15 cisho waxay dhaaftay Lix beri oo kaliya meeshii wasiirada lagu soo dhisi jiray 30 cisho, ra’iisul wasaarena lagu magacaabo 30 cisho runtii waqti badan baa inoo baaqday, waxaan raba inan waqtigaan uga faa’ideysto golaha shacabka in sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan wasiiradan, shacabkana idiin siiyaan kalsooni iyo wada shaqeyn si aan uga hortagno qoladaan argagaxisada ah oo runtii qeyb ka ah abaaraha maanta dalka ka jira” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Talaadadii shalay waxa uu magacaabay golahiisa wasiirada cusub, waxaana uu horgeyn doona xildhibaannada golaha shacabka si codka kalsoonida ah loo siiyo.

Goobjoog News