U bood dhigaalka

Maleeshiyaadkii Ku Dagaallamay Deegaanno Hoos yimaadda Gadoon oo La kala Qaaday

Sheeko:Dalka

Maleeshiyaad ku dagaalmayay muddo labo cisho ah degaanno hoos yimaadda degamada Gadoon ayaa xukuumadda Galmudug ay ku guuleystay in la kala  qaaddo.

Wafti uu hoggaaminayo wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalah Galmudug oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha degamada Gadoon iyo saraakiil ka tirsan guutada 21-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed, ayaa gaaray degamada Galoon.

Wasiirk ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqalaha Galmudug Maxamed Nuur Diini Afwayne oo wareysi gaar ah aan la yeelannay ayaa sheegay inay maleshiyaadka ay kala qadeen maleeshiyaadkii ku dagaallama Degaano ku hareeraysan Gadoon ee Galgaduud.

Wasiirku waxa uu ugu horreyn uu sheegay in dagaalkii ay joojiyeen maleeshiyaadkiina ay kala qaadeen:

“Illaahay waa nagu guuleeyay arrintaas, dadka deegaanka odayaashooda iyo culumo aw-diinkooda baa ku mahadsan, annagu wafti ballaaran ayaan ahayn oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka socota ciidanka 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, arrinkaas dowladda Galmudug ayaa noosoo dirtay, maleeshiyaadkii waan kala qaadnay, khasaaraha iyo baaxadda dhulka lagu dagaalamayna waan tagnay, waxaan rajeynaynaa maadaama saman abaareed lagu jiro baragihii laga kala qaxay inaan wax ka ogaanno oo xoolihii iyo dadkii biyo loo shubo, howlahaas ayaan wadnaa, waxaanan fileynaa howlaha kale ee noo dhiman inaan maanta iska soo gabagabaynno”.

Wasiir Maxamed waxaa kale oo uu  sheegay iney hadda harsan tahay iney odayaasha is hor farisiiyaan si rasmi ahna loogu dhawaaqo xaabad joojint si xal waara looga gaaro dagaallada soo noqnoqday:

“Maleyshiyaadkii halkaa ku daggaalamay waxaan kala geynnay masaafo aad iyo aad u kala fog, iskumey hayn daaq iyo baraage aanooyin soo jiray ayunbaa dhex maray 10-kii bishaan, aanooyinkii in la daweeyo dadkii dambiilayaasha ahaana ummadda laga qabto ayunbaa hadda noo hartay oo aan rabnaa inaan ka shaqeynno, habbad joojintiina si official ah ugu dhawaaqno, odoyaashana is horkeenno”.

Wasiirku waxa uu sheegan iney deegaannadaas ay ka jirto abaar aad u daran isla markaan aaney habbooney xilligan in dadka dhibaateysan lagu dhex dagaallamo.

Dhanka kale, dadka qurba jooggta ah ee dagaanka iyo cid kasta oo wax haysta ayuu ugu baaqay iney gurmad la gaaraan dadka deegaannadaa lagu dagaalamay oo uu sheegay iney xoolihii dhamaadeen, dadkiina ay halis ugu jiraan in abaartu ay galaafato.

Maleeshiyaad la sheegay iney aano qabiil ku dagaalamayaan aya 10- 11 bishan Janaayo waxay iska dileen 4 ruux halka ay iska  dhaawacmeen dad intaa ka badan deegaanno ku hareeraysan Gadoon oo ay ku jiraan Hogdugaalle iyo Dawacoole.

Goobjoog News