U bood dhigaalka

Maleysia Oo Ciidamo Usoo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasaaraddaa difaaca Maleysia ayaa sheegtay in ciidamo ka shaqeeya dhinaca gargaarka iyo agabkooda ay qorsheenayaan iney usoo diraan Soomaaliya.

Wasiirka wasaaraddaasi Hishammuddin ayaa sheegay in ciidankaan uu kasoo amba baxayo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, waxaana go’aanka saraakiishan loogu soo dirayo Soomaaliya uu yimid kadib markii wasiirka uu magaalada Kuala Lumpur kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Mudane Carte ayaa dowladda Maleysia ka codsaday iney ka qeybgasho gurmadka loogu jiro abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Golaha wasiirada Maleysia oo shiray Jimcihii shalay ayaa ansixiyay codsiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee ah in Maleysia ay Soomaaliya ka taageerto dhinaca gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gaashaandhigga Maleysia ayaa sheegay in 17 sarkaal oo ka tirsan qeybta caafimaadka ee ciidamada Maleysia ay imaanayaan Soomaaliya.

Koox kale oo ka kooban shaqaale tiradoodu gaareyso illaa 10 qof ayaa sugi doona amniga saraakiisha Maleysia usoo direyso Soomaaliya.

Kooxdan askarta ah ee aadka u kooban ayaa haatan waxay tababaro la qaataan ciidamada isbahaysiga carabta oo ay hoggaamiso Sacuudiga, waxayna dooneysaa dowladda Maleysia iney qorsheeyaan gargaarka ay Soomaaliya usoo dirayaan.

Goobjoog News