U bood dhigaalka

Mamulka Hiiraan Oo Ka Warbixiyey Dagaal Maanta Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal maanta ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Milatariga ku dhexmaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu bilowday kadib markii uu sheegay in halkaasi tagey taliye saldhigga Booliiska B/weyne usoo magacawday dowladda Federaalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Saldhigga waxaa soo weeraray nin sheeganayo inuu yahay taliye ayna soo magacawday dowladda Federaalka Soomaaliya, maleeshiyaad ayuu watay, ciidankii meesha joogay ayuu awood u sheegtay, balse waxaa Booliiska soo caawiyey ciidanka xoogga dalka saldhigana sidaas ayaa looga saaray” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Goobjoog News waxaa u suurtagashay iney la hadasho Gaashaanle Xasan Xalane oo isaga ah Taliyahii la sheegay inuu weerarka ku qaaday saldhigga waxaana uu waxbo kama jiraan ku sheegay arrintaasi, wuxuuna tilmaamay in isaga iyo Booliiskii joogay saldhigga lasoo weeraray, arrintaasina maamulka Hiiraan mas’uul ka yahay.

Taliye Xalane ayaa sheegay in halkaasi ay u magacawday dowladda Federaalka Soomaaliya, balse maamulka Hiiraan ay doonayeen in arrinta qabiil u bedalaan waa sida uu hadalka dhigaye.

“Annaga oo shaqadeenna caadiga ah wadana ayaa waxaa nalagu soo weeraray Afar Dhashiiko iyo ciidan Milatari ah, waxaa ka dambeeya maamulka gobolka, aniga si sharci ah ayaa la igu soo magacaabay, saldhigga Booliis ma joogo ee waxaa ku sugan Milatarigii nasoo weeraray ayuu yiri Taliyaha.

Xaaladda guud ee B/weyne caawa waa mid deggan, mana jirto wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoog News