U bood dhigaalka

Maqal: Wasiirka Amniga Puntland Oo Goobjoog Uga Warammay Amniga Guud Ee Puntland, Howlgallada Socda iyo Arrimo Kale

Sheeko:Dalka

Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiirka amniga maamulka Puntland oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, howlgallada ay ciidanka Puntland wadaan iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay wasiirka in bisha Ramadan awgeed ay aad u adkeeyeen amniga deegaannada maamulkooda ka arrimiyo, ayna ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan walxaha qarxa.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay ku guuleysteen sidoo kale iney ka hortagaan falal amni darro sida qaraxyo iyo waxyaabo kale.

Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegi doonaan gaariga lagu soo qariyo walxaha qarxa ama lasoo saaro qof Al-shabaab ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya

Goobjoog News