U bood dhigaalka

Maraakiib Dhib Ku Haya Kalluumeysatada Degmada Cadalle, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Kalluumeystada degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka cabanaya maraakiib shisheeye oo ay sheegeen in dhibaato ay kala kulmaan xilliga ay kalluumeysanayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee degmadaasi Cali Cabdalla Cabdulle oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay soo gaartay cabashada Kalluumeysatadaan, ayna u gudbiyeen cidda ay quseyso.

Wuxuu sheegay waxyaabaha ay Kalluumeysatada ka cabanayaan ay tahay in doonyaha laga burburiyo, iyo sidoo kale in la qaato shabaagta ay ku kalluumeysanayaan.

“Maraakiib iyo doonyo waaweyn ayaa dhibaato ku haya Kalluumeysatada, waxay inoo soo sheegeen in laga quusiyo doomaha, laga qaato kalluunka, dhibaatooyin kalena waa ay jirtaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Cadalle.

Guud ahaan Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa cabasho ka muujiya maraakiib iyo doonyo shisheeye oo xaaluf ku haya kheyraadka badda.

Goobjoog News