U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Hogaamiye Ka Tirsan Al-qaacida Ku Dilay Waddanka Afghaanistaan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaashaadigga Maraykanka ayaa waxay sheegtay inay dishay hogaamiye caan ah oo ka tirsan ururka Al-qaacida, kaasi oo lagu dilay waddanka Afghaanistaan waa sida ay sheegtay wasaaradda gaashaadigga.

Janeraal James Matiis oo ka tirsan wasaaradda gaashaadigga Maraynka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay Qaari Yaasiin oo ah hogaamiye ka tirsan Al-qaacida ay diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay dileen todobaadkii la soo dhaafay.

Dowladda Maraykanka ayaa Qaari Yaasiin waxay ku tuhmaysay inuu ka dambeeyay dhimashada labo askari oo u dhalatay Maraykanka iyo dhaaca kuwa kale, weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay hotel ku yaallo caasimadda waddanka Afghaanistaan ee Ilaami-baad, sanadkii 2008 dii.

Maraykanka ayaa sidoo kale aaminsan inuu xiriir la lahaa Qaari Yaasiin weerar lagu qaaday bas ay saarnaayeen kooxda lagu magacaabo Al-kiriid Al-sirilankii oo ka tirsan ciidamada Maraykanka sanadkii 2009 kii.

Laamaha la dagaalanka argagixisada ee waddanka Pakistaan ayaa horay u balan qaaday inay lacag abaal marin ah ay sii doonaan taasi oo tiradeedu dhantahay 19 kun oo doolar, qofkii soo sheega xog ku saabsan Qaari Yaasiin kaasi oo sidoo kale loo yaqaano Ustaad Aslam.

Warka ka soo baxay wasaaradda gaashaadigga Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykanka oo duuliya la’aanta ah ay beegsadeen gaari uu saarnaa Yaasiin iyo saddex kale kuwaas oo ku sugnaa xero ku taallo gobolka Paakitaa, ee ku yaallo xadka ay wadaagaan Pakistaan iyo Afghaanistaan.

Waddanka Afghaanistaan ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada ay awoodda ay wali ku leeyihiin ururka Al-qaacida waxaana lagu tiriyaa gobolka  Helmand gobolada ugu weyn Afghaanistaan oo ay ku badanyihiin Al-qaacida.