U bood dhigaalka

Maraynka Oo Aaladaha Qaar Ka Mamnuucay In Lala Raaco Diyaaradaha

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa waxay ka mamnuucday dadka musaafiriint ah ee ka imaanaya 8 dowladood oo ku yaallo bariga dhexe iyo waqooyiga qaaradda Africa inay diyaaradaha ay la raacaan qalabka Tiknoloojiyadda ku shaqeeya oo ay ka mid yihiin Computarada iyo Kaamirooyinka.

Ilo wareedyo dhanka xukuumadda ah ayaa waxay sheegayaan in digniintaan loo jeediyay 9 shirkadood oo ka shaqeeya dhanka duulimaadka, kuwaas oo taga 10 garoon ee ku yaalla Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maraykan ayaa waxay diidday inay ka hadasho arrintaan, balse waxa ay sheegtay inay ka soo saarayso warmurtiyeed.

Ilaa iyo hadda Shirkadaha digniinta loo jeediyay wali lama shaacin magacyadooda iyo mudada loo qabtay, balse qalabka la maamnuucay ku ma jiraan taleefoonada.

Goobjoog News