U bood dhigaalka

Mareykanka: Burcad-badeedda Waxaa Soo Celiyay Abaarta Iyo Gaajada Ka Jirta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa weeraro ka bilaabay xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii ay dhowr markab oo ganacsi qabsadeen, arrintaasi waa mid jirto, laakin weli khatar isku ma badalin, sidaasi waxaa axaddii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Wasiirka gashaandhigga Mareykanka Jim Mattis  oo saxafiyiin kula hadlay saldhig Militari oo ay ku leeyihiin dalka Djibouti ayaa sheegay in haddii xataa ay ka soo daraan burcad badeedda Soomaalida aan loo baahan doonin faragelin toos ah oo ciidamada Mareykanka ah.

Mareykanka waxaa uu qabaa in aan la dhihi Karin in burcad badeedda Soomaaliya ay dib u soo noqdeen, iyaga oo weerarada dhawaan maraakiibta loo geystay ku sheegay in ay sababi karaan abaarta iyo gaajada ka jirta Soomaaliya.

Navy Capt. Richard A. Rodriguez oo madax ka ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan Djibouti waxaa uu dhankiisa sheegay in burcad-badeedda ay soo noqdeen isaga oo intaa raaciyay in ciidamadiisa halkaasi jooga aaney shaqadooda aheyn la dagaalanka Burcadda.

Capt. Richard A. Rodriguez waxaa kale uu ka hadlay  in ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha iyo tababarka ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale gobolka.

Goobjoog News