U bood dhigaalka

Mareykanka Iyo Canada Oo Ka Wada-hadlaya Arrinta Kuuriyada Waqooyi

Sheeko:Dalka

Dowladaha Canada iyo Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay qaban doonaan bisha soo socota shir-madaxeed ay yeelanayaa wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkaani waxaana looga hadlayaa arrinta kuuriyada waqooyi.

Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex W. Tillerson oo shir jaraa’id ku qabtay Canada ayaa tilmaamay in shirkan lagu qaban doono magaalada Vancouver 16 bisha Janaayo,  waxaana ka soo qeyb-galayo labo ergo oo ka socota Japan iyo Kuuriyada Koofureed.

Kulanka waxaa lagu gorfeyn-doonaa sidii loo xoojin lahaa ololaha lagu cadaadinayo Kuuriyada Waqooyi iyo sidii looga hortagi lahaa inay horumar ka sameyso barnaamijka Nukliyeerka.

Rex W. Tillerson xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeeyay in shirmada-xeedkaan cadaadis lagu saari doono Kuuriyada Waqooyi sidii ay u soo fadhiisan laheyd miiska wadahadalka ee Barnaamijka Nukliyeerka.

Goobjoog News