U bood dhigaalka

Mareykanka Oo 23 Qof Oo Rayid Ah Ku Dilay Dalka Suuriya

Sheeko:Caalamka

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Mareykanka ayaa waxaa ku dhimatay 23 qof, duqeyntan ayaa waxay ka dhacday goob tuulo ah oo ay gacanta ku hayaan ururka Daacish taasi oo ku taallo xadka kala qeybiya Ciraaq iyo Siiriya.

Dadka u ololeeya arrimaha bani’aadanimada ayaa waxay sheegeen dhammaan dadka dhintay inay yihiin dad rayid ah, eedeyntaas oo aanu Mareykanka weli ka jawaabin.

Ciidamada Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarada dhanka cirka oo ay fuliyeen ciidamada Isbahaysiga caalamiga ah kuwaas oo laga fuliyay Ciraaq iyo Siiriya ay ku dhinteen dad gaaraya 352 qof oo rayida tan iyo markii uu bilowday ololaha lagu dagaallamayo Daacish balse waxa ay hoosta ka xariiqeen in dadkaasi ay si kama ah ay duqeymaha ugu dhinteen.

Goobjoog News