U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Weerar Ku Qaadey Al-qaacidada Yemen

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa waxay sheegeen in Maraykanka uu weeraro cusub  uu ka fuliyey waddanka Yeman, halkaas oo ay ku suganyihiin  farac ka tirsan ururka Al-qaacida.

Laga soo bilaabo markii uu Maraykanka uu bilaabay inuu weeraro uu ka fuliyo waddanka Yeman dabayaaqadii bishii tagtay ee Janaayo kuwaas oo ay la beegsanaayo  Al-qaacidada  ku sugan Yamen ayaa waxa uu weli Maraykanka uu ku sii adkeysanayaa  inuu la imaanayo istiraatiijiyad cusub uu maraykanka uu kula dagaallamayo ururka Al-qaacida ee ku sugan Yeman.

Jeff  Davis oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in Maraykanka uu ka fuliyay weeraro dhanka cirka ah qeybo ka mida waddanka Yeman, kuwaas oo uu sheegay inay ku dileen 9 ka tirsan Al-qaacidada ku sugan halkaasi.

Mararka qaar ayaa diyaaradaha dagaalka ee Marayanka kuwaas oo loo yaqaano Droneska ayaa waxay weeraro ay ka fuliyaan qeybo ka mida waddanka Yeman halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan xubno ka tirsan Al-qaacida.

Al-qaacida ayaa waxay ka faa’idaysatay dagaalka u dhaxeeya kooxda Xawsithiyiinta iyo dowladda Yeman  taasi oo ay taageeraan isbaheysiga carbeed, waxayna dhaqdhaqaaq xoogan ay ku leeyihiin hawlaha ka socda waddankaasi.

Dhanka kale hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa waxay ku eedeeyeen Maraykanka inuu qariyo tirada dadka shacabka ah oo ku dhinta duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Maraykanka Yeman