U bood dhigaalka

Masar: 395 Arday Oo Ku Sumoobay Raashin ay Cuneen

Sheeko:War

Wasaaradda Caafimaadka dalka Masar ayaa Arbacadii sheegtay in ay cunto ku sumoobeen 395 arday oo wax ka barata iskuulaadka Qaahira  iyo gobollo kale, ardaydan ayaa lagu daadgureeyay gawaarida gurmadka degdegga ah oo isbitaallada lagu geeyay.

Xukuumadda Masar ayaa ku dhawaaqday iney joojisay qeybinta cunnooyinka bilaashka ahaa ee laga qeybin jiray gudaha iskuulaadka, inta dhacdadan laga baarayo waxa sumowga dhaliyayna laga ogaanayo.

Talaadadii ayaa calaamado sumowga cunada lagu arkay 100 arday oo Labo iskuul ah oo ku yaalla gobolka Al-Manoofiya ee xaafadda Daltaa al-Nil, kadib markii ay cuneen cunno loo qeybiyay Labada iskuul, taas oo ah mid ay dowladdu si bilaash ah ugu qeybiso iskuulaadka dowladda.

Isbuuc kahor ayaa waxaa calaamadahan sumowga lagu arkay 3356 oo arday oo ka koobnaa illaa 10 iskuul oo ku yaalla gobolka Soohaan ee Koonfurta Masar.

Wasaaradda caafimaadka oo bayaan soo saartay ayaa tiri, 211 arday oo ka tirsan gobolka Suweys, 98 arday oo ka tirsan Aswaan, 3 arday oo ka tirsan iskuulaad ku yaalla dhexbartamaha Qaahira, ayaa astaamaha Sumowga cunto uu ka soo muuqday Arbacadii.

Ardaydan ayaa la ooyaysay xanuun ay ka dareemayeen dhanka caloosha iyo matag aan kala go’ lahayn.

Ludfi Cabdi al-Sameex oo ah wakiilka wasaaradda Caafimaadka dalka Masar ee Suweys, ayaa sheegay in xaalad degdeg ah looga dhawaaqay isbitaalka guud ee gobolkaas, waxa uu intaa sii raaciyay in isbitaallada laga bilaabay howlgallo lagu nadiifinayo uurku jirta ardayda.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa ammar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyay sababaha dhaliyay in ardaydu ku sumoobaan cuno isagoo arrinkaa u saaray guddi soo xaqiijiyay si degdeg ah.