U bood dhigaalka

Masar Oo Lagu Dilay Shan Askari Weerar Ka Dhacay  Bartamaha Magaalada Sinai

Sheeko:Caalamka

waxaa la dilay shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka wadanka Masar  kuwaas oo kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen, waxayna ku suganaayeen ciidamadaan gobolka Sinai sida ay sheegayaan ilo dhanka ammanka iyo caafimaadka ah.

Ilo wareedyo ku sugan waqooyiga magaalada Sinai ayaa waxa ay sheegayaan  in kooxo hubaysan  ay taajiyeen baabuur dad shacab  ah ay saarnaayeen baabuurka ayaa waxaa la saarnaa shan ka tirsan ciidamada ammaanka Masar waxayna ku amreen inay ka soo dagaan baabuurka ,ka dibna waa ay dileen dhamaantood.

Kooxihii weerarka geestay goobta waa ay iskaga baxsadeen ciidamada la dilay ayaa waxay ahaayeen kuwo la soo fasaxay waxayna ku sii jiideen si ay fasaxooda usoo  qaataan ,meydadka askarta ayaa waxaa loo qaaday Ispital ku yaallo xaafadda Suways.

Dhacdaan wali cidana masheegay mas’uuliyaddeeda  kuuxo hubaysan  oo raacsaan ururka daacish oo kusugan Masar ayaa waxay ka fuliyaan  weeraro iyo qaraxyo mararka qaar taasoo keenta  dhimashada tobaneeyo ka tirsan ciidamada ammanka wadanka Masar.

Goobjoog News