U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Puntland Oo Shil Gaari Ku Geeriyoodey

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyahii gobolkaasi ee Puntland Mukhtaar Mahad uu ku geeriyoodey shil ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Laascaanood iyo magaalada Garoowe.

Gaariga uu watey guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu shil galay, walow nooca shilkaasi aan la caddeyn, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay dad kale oo gaariga la saarnaa.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Injineer Camey oo si kooban uga hadlay geerida guddoomiyaha gobolka Sool, ayaa tacsi u direy bulshada Puntaland, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Sool.

Shilalka sidan ayaa muddooyinkaan dambe ku badan wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News