U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Mareykan Ah: Sacuudiga Waxaa Uu Damcay Faragelin Militari Oo Dhan Ah Tamiim

Sheeko:Dalka

Bloomberg News,  waxaa lagu daabacay in dalka Sacuudiga iyo xulafadiisu ay ku fakireen  xal militari in ay ku turaan Amiirka dalka Qatar Tamiim.

Weriyeha Bloomberg ee aqalka cad waxaa ay sheegeysaa in Madaxweynaha Mareykanka Trump uga digay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka in ay xoog ku badalaan maamulka Doxa.

Sida warbixinta lagu qoray Aqalka cad waxaa uu ku wargeliyay dalalkaasi in tuurista Taamiim ka dhalan karto fowdo ku fiddo bariga dhexe.

Talaadadii waxaa magaalada New York ku kulmay Trump iyo Tamiim waxaa ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa xiisadda khaliijka.

Amiirka Qatar ayaa shalay khudbadiisa ku sheegay in Kuwait dhex-dhexaadinteeda ay keentay in dalalkaasi ka baaqsadaan faragelin militari.

Goobjoog News