U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Hadlay Matalaadda Siyaasadeed Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan aqalka hoose ee BFS ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sidii gobolka Banaadir uu ku heli lahaa matalaaddiisa siyaasadeed ee uu ku leeyahay DFS.

Xildhibaan Caasho Koos iyo Prof.Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeybgalay kulan uu soo qabanqaabiyay gobolka Banaadir oo xabeenimadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa si weyn uga hadlay in gobolka Banaadir uu helo xaqa matalaadda siyaasadeed ee DFS.

Xildhibaanada Caasha Koos ayaa tilmaantay in mudanayaasha deegaannada Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho lagu doortay ay diyaar u yihiin in Muqdisho matalaadeeda siyaasadeed loo heli lahaa:

“Xildhibaannada gobolka banaadir annagaa ah annagaa naloo doortay, anigoo ku dhashay degmada Saylac ayaa waxaa la igu doortay gobolka Banaadir Degmada Cabdicasiis, waxaan ahay xildhibaan Soomaaliyeed, waxaan ku dhashay gobolkaa ugu geeseeya Galbeedka Soomaaliya ee la yidhaahdo Awdal, waxaan ku dhaqmay oon degenahay gobolka Banaadir, waxaan ballanqaadaynaa xaqa gobolka Banaadir inaan raadinno”.

Prof Dalxa ayaa isaguna dhankiisa Sheegay  in Baarlamaanku uu doodo ka yeelan doono xaqa Gobolka Banaadir, waxa uuna yiri:

“Annaga 18 saddex lagu dhuftay ayaa noo taalla Golaha Shacabka, 18 kaasna kama marna gobolka Banaadir ee 54-ta ah, xisbaatiina wuu ku jiraa hadana wuu ka maqan yahay, marka dadjooga oo aan la tabin iyo nin tagaaya oo aan la ceshan, nin maqan oo aan la tabin, Soomaalidu waxay tiraahdaa waa qof aan dan laga lahayn, markaa ma dhici karto mana suurtogeli karto in gobolka Banaadir in gobolka Banaadir markii la rabana lagu darsado markii la rabana la iska dhaafo”.

Si kastaba, xaqa mataaladda gobolka Banaadir ayaa wali la isla meel dhigin madaxda sarsare ee dalkuna aaney go’aan rasmi ah aaney ka soo saarin, ma caasimaddii Dowaldda Federaalka ayay ahaaneysaa oo ka madax banana dowlad goboleed, mise waxay noqoneysaa dowlad goboleed iyo caasimad labadaba.

Goobjoog News