U bood dhigaalka

Maxaa Dhacay Markii Dowladda Sweden ay Isku Dayday Iney Saacadaha Shaqo ku Soo Koobto 6 Saacadood?

Sheeko:War

Dowladda dalka Sweden ayaa waxay fulineysaa tijaabo la magacbaxday Gothenburg, oo saacadaha shaqo lagu soo koobay illaa 6 saacadood, si loo ogaado tayada shaqo ee shaqaalaha iyo waxtarkooda mudada kooban.

In la shaqeeyo Lix saacadood maalintii waa riyo qof kasta oo shaqaale ah uu ku riyoonayo, Laakiin 70 kalkaaliye caafimaad ayaa dalka Sweden ku nool xaaladdaa muddo Labo sanno ah, waana sida ay sheegayso jariidada la yihaahdo The Independent ee ka soo baxda dalka Ingrisiika.

Tijaabadan ayaa waxaa hadafkeedu yahay in lagu ogaado waxsoosarka shaqo ee mudada kooban, arrinkan ayaa noqday mid soo jiita dunida inteeda kale, dadkii ka qeybgalayna waxay dareemeen caafimaad iyo farxad dheeri ah, waxay noqdeen kuwo sidii hore ka firfircoon, ka shaqo iyo waxsoosaar badan yahay sidii hore.

Tijaabadan oo Fulinteedu Adag tahay

Tijaabadan ah in wakhti kooban la shaqeeyo ayaa la ogaaday iney qiimo fiican u leedahay shaqaalaha iyo shaqadooda oo labadooduba ku wanaagsanaanaya, laakiin caqabadda jirtaa waa kharashka xoog badan oo ku baxaya, waxay loo baahaday lacago gaaraya illaa 12 million crowns Sweden ah oo u dhagma illaa 1.1 milyan oo giniga ingriiska ah, kharashkaa dheeriga ah waxa uu ka soo baxay shaqaale cusub oo illaa 17 qof ah oo loo baahday, si loo daboolo saacadaha shaqo ee banaanaaday.

Dowladda Sweden oo ka mid ah dalalka dunida ugu taajirsan ayaa hadana kharashkan uu ku noqonayaa mid aad u farabadan, caqabadna ku ah in tijaabada la wadagaarsiiyo dhamaan shaqaalaha dowladda dalkaas, kharashka dheeriga ah iyo shaqaalaha cusub ee loo baahanayo darteed.

Daniel Bernmar oo xubin ka ah xisbiga garabka bidix ee Sweden oo tallaabadan Gothenburg la dhacsan ayaa yiri, ” Ma noo suurtogelaysaa in tijaabadani ay sii socoto shaqaalaha dowladda hoose oo dhanna ay gaarto, jawaabtu waa maya, kharashka ayaa aad u sarreeya oo aan la xamili karin”.

Waxa uu hadallkiisa sii raaciyay ” In saacadaha shaqada lasoo gaabiyo waxaa lagu daray ajandaha Sweden iyo Yurub, waana arrin wanaagsan”.

Shirkado Qaatay Fikraddan

Shirkadaha qaar ayaa qaatay fikraddan, shirkadda suuqgeynta ee Agent Marketing ee ka shaqeysa Liverpool dalka Ingiriiska ayaa shaqaaleheeda saacadaha shaqo u soo koobtay muddo Labo bilood ah bilowgii sanadkii 2016.

Maamulaha guud ee shirkadda oo la yiraahdo Paul Corcoran ayaa The Independent waxa uu u sheegay iney tijaabadan ay uga soo baxday waxyaabo badan oo faa’ido leh, shaqaalihii waxay dareemeen firfircooni dheeraad ah, sidii horena way ka hal-abuur badnaayeen, kana fiicnaadeen”, ayuu yiri Paul.

Xarumaha adeegga Toyota ee dalka Sweden ayaa sidoo kale fikraddan lagu gaabinayo saacadaha shaqada ku dhaqantay laga soo bilaabo sanadkii 2003, arrintaas oo isla markiiba kor u qaadday waxsoosaarkii faa’ido badanna soo saartay, xilligaa laga soo bilaabo shirkaddani waxay qaadatay wadadaa saacadaha kooban.

Si kastaba, nidaamka yareynta saacadaha shaqo ayaa ah tijoobo isha lagu hayo, si weynna loogu ogaaday iney shaqo fiican iyo waxsoosaar wanaagsan ay leedahay.

Goobjoog News