U bood dhigaalka

Maxaa Kusoo Kordhay Xaaladda Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose?

Sheeko:Dalka

Degaanshiyo ayaa laga dareemayaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo saakay ay la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dadkii ku sugnaa deegaankan ayaa la sheegay iney badi ka barakaceen halkaasi, waxaana jira howlgal ay wadaan ciidanka is garabsanaya ee deegaankaasi la wareegay.

Mid kamid ah dadka faro ku tiriska ah ee ku haray deegaankan ayaa u sheegay Goobjoog News, iney ka baqayaan dagaallo ka dhaca Bariire.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Bariire oo ay saakay isaga baxeen.

Marar badan sidan oo kale ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire, walo markii dambe ay iska soo faarujiyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News