U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la horkeenay akhrinta 2aad mari-doona hindise sharciyeedka biyaha.

Sharcigan waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray  sida heerka tayada biyaha, xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale.

Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga.

Hindise Sharciyeedka La Horkeenay Waxaa Ka Mid Ah:

  1. Qaraarka Golaha Wasiirada
  2. Heshiiska Maxaabiis is-dhaafsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya
  3. Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2015/2016
  4. Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa
  5. Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka
  6. Hindise Sharciyeedka Waxbarashada
  7. Hindise Sharciyeedka  Kheyraadka Biyaha
  8. Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda
  9. Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda
  10. Hindise Sharciyeedka  Xakameynta Hubka
  11. Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Argigixisada
  12. Hindise Sharciyeedka  Istaatistikada Soomaaliya

 

Goobjoog News