U bood dhigaalka

Maxaa Sababay In 3 Bil Loogu Kordhiyo Madaxweyne Xaaf Si Uu Usoo Magacaabo Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah xildhibaannada Galmudug ayaa ka hadlay sababta keentay inay muddo kordhin u sameeyaan mudada madaxweynaha Galmudug uu kusoo magacaabi lahaa golihiisa wasiirada.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Diirshe oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu sheegay in Seddex bilood uu ku soo afjarayo murannada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Galgaduud sidaasi darteedna u baahan yahay in loo ogolaado in mudadaasi helo si wasiiradiisa usoo magacaabo.

“Madaxweynaha waxa uu naga dalbaday innaga oo fasax ah inaan isugu nimaadno kulan aan caadi ahayn, waan aqbalnay, wuxuuna naga codsaday in Saddex bil loogu daro si uu usoo afjaro arrimaha dib u heshiisiinta, kadibna wasiiradiisa soo magacaabo waana ka aqbalnay middaasi” ayuu yiri xilidhibaanka.

Xildhibaan Diirshe oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in madaxweynaha sidoo kale u sheegay in muhiim tahay in lagu shaqeeyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, si taasi loo helana ay haboon tahay in la xoojiyo wadahadallada Ahlu-suunna.

“Wuxuu inoo sheegay in rajo wanaagsan  laga qabo arrimaha dib u heshiisiinta, sidoo kalena wuxuu inoo sheegay in  Ahlu-sunna wadahadallada uu la leeyahay rajo laga qabo, caasimadda Dhuusamreebna muhiim tahay in lagu shaqeeyo” ayuu hadalkiisa raaciyey xildhibaanka.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa markii la doortay sheegay in shaqooyinka ugu badan ee uu qabanayo tahay arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidoo kale wadahadallada Ahlu-sunna.

Goobjoog News