Maxamed Cabdi Afeey “Xaaladda Bini’aadannimo Ee Soomaaliya Aad Bay Qatar u Tahay”

Afey

Ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka qeybqaataan gurmadka abaaraha dalka isaga oo tilmaamay in xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya ay meel qatar ah mareyso.

Mr. Afey oo ka qeybgalaya munsaabadda Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa si kooban oo uu ula hadlay warbaahinta waxa uu ugu horeyn sheegay in maanta uu dareemayo farxad aad u weyn, maadaama magaalada Muqdisho markii Labaad lagu qabanayo Caleema Saarka madaxweynaha.

“Shaqsi ahaan waxaan dareemayaa farxad siyaado ah, muddo badan baan baadigoob ku jirnay iney soo laabato dowladnimada, sharafta Soomaalida, shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa iney garab istaagaan dowladaan, waxaa dowladdaan xoojin kara, waxaa qasbi kara iney shaqeyso shacabka Soomaaliyeed, waxaan u habalyeenayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo midkii hore ee xilka ka degay Xasan Sheekh” ayuuyiri Afey.

Mudane Afey ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan olole ballaaran oo loogu gurmanayo shacabka Soomaaliyeed ee aafeysay abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

“Olole guud ayaan ugu jirnaa, baaqa madaxweynaha waan maqleynay, waxaan arjeyneynaa in markii Xafladan dhammaato tallaabo dhab ah a qaadi doono, waxaan weydiisaneynaa shacabka iney gurmadkaan kaalin ka qaataan, inta beesha caalamka ka imaaneyso waxaan shacabka ka codsaneynaa in gurmad qaran sii sameeyaan, Xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya aad iyo aad bay qatar u tahay, waxaan rajeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed tani ka badbaadaan”

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxayna shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News


error: Content is protected !!