U bood dhigaalka

Maxamuud Cabbaas: Masoo Laabanayo Khaladkii Aan Galnay Sanadkii 1948

Sheeko:Dalka

Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha dowladda Falastiin ayaa sheegay in magaalada Qudus ay tahay  caasimadda dowladda Falastiin .

Cabbaas ayaa hoosta ka xariiqay in uusan soo laabaneyn qaladkii ay galeen sanadkii 1948, waxaa uu intaas ku sii daray in hoggaanka Falastiin ay ku socon doonaan fulinta dhammaan go’aannadii ay  qaateen inta uu socdo dagaalka Qudus.

Hadalkaan ayaa madaxweynaha waxaa uu ka hor sheegay boqolaal qof oo reer Qudus ah kuwaas oo iskugu soo baxay aqalka madaxtooyada ee magaalada Raamullaahi.

Ugu dambeyn madaxweyne Cabbaas ayaa sheegay in hogaanka sare ee Falastiin ay ajiibeen hadalka reer Qudus, waxaa uuna ku dhiiro galiyay sida geesinimada leh ay u difaacayaan Masjidka Al-aqsa.

Goobjoog News,