U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Axmed Madoobe Iyo Xubnihii Ka Socday AU Ee Ku Shiray Kismaayo?

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, waxaa socdaal ku gaaray maalintii shalay ahayd wafdi ballaaran oo ka socday Midowga Afrika, kuwaasi oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha golaha amniga iyo Nabad galyada ururukaasi, Ndumiso Ntshinga.

Xubnahan wafdigan ayaa ka koobnaa 15-ka dale e xubnaha ka ah golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika, waxaana ay la kulmeen madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan amniga guud ee deegaannada Jubbland, dhismaha ciidamo qaran iyo arrimo kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa a codsaday golahan in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhismaha ciidan qaran oo hanta amniga guud ee dalka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in la dardargeliyo howlgallada amniga ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Ndumiso Ntshinga, guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in maamulka Jubbaland yahay mid mudan in looga daydo arrimaha maamul wanaagga iyo Amniga.

Waxa uu guddoomiyaha hoosta ka xarriiqay in Jubbaland ay ka caawin doonaan arrimaha Nabadgalyada sidoo kalena la tixgelin doono soo jeedintii Axmed Madoobe.

Goobjoog News