U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Juxa Iyo Waxgaradka Gaalkacyo?

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wuxuu kula kulmay qaar kamid ah waxgaradka magaaladaasi.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo wasiirka uu kala hadlayey waxgaradkan in laga dhabeeyo fulinta qodobadii dhowaan lagu heshiiyey ee Puntland iyo Galmudug kuwaa oo ku aaddan arrinta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug C/rashiid Xaashi Carte oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay fulinta heshiisyadii la gaaray wasiirkana uu arrimahan kala hadlay.

Wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay in nabadda Mudug lasoo celiyo, laga wada shaqeeyo deris wanaagga iyo wada shaqeynta.

“Waxaa naga go’an nabadda gobolka Mudug inaan soo celinno oo ka wada shaqeynno deris wanaagga iyo walaalnimada lagu wada noolaan jirey, ma rabno in dadkeenna dhibaato kale kusii jiraan, wasiirka waxaan kala hadlan ” ayuu yiri guddoomiyaha.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhowaan martigalinaysay kulamo u dhaxeeya guddiyo wasiirro oo ay soo kala magacaabeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Waxaa hadda uu muqanaya ififaalo nabadeed oo Mudug ah, iyadoo ay bilowdeen durba fulinta qaar kamid ah qodobadii Labada dhinac ku heshiiyeen.

Goobjoog News