U bood dhigaalka

Maxbuus Laga Keenay Seychelles Oo Xabsiga Hargeisa Ugu Dhintay Daryeel Caafimaad La’aan

Sheeko:Dalka

Sida uu ku waramayo Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo ka tirsan maxabiista ay dhibanaha geeriyooday iskala yimaadeen jaziiradda Seychelles, waxaa uu ugu horeyn ka hadlayaa sida wax u dhaceen“Waxaan ka mid ahay dhallinyaro maxaabiis ah oo ku jirta xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaana nagala-keenay meel la yiraahdo  jasiirada Seychelles  oo nagula eedeeyay inaan nahay burcad badeed, muddo dheer ayaan halkaasi ku xirneyn.

Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Dhallinyaradeedna waxaan aheyn 21 qof,  waxaanna ka soo jeednaa deegaannada Galmudug gaar ahaan Ceeldheer, Ceelbuur, Dhuusa-mareeb, Cadaado iyo Galkacyo,  marka ninka dhintay waxaa uu ahaa dhallinyarada aan wada soconay marka muddo waa uu xanuunsanaa saddex sano xanuunkaan waa uu ku jiray,  xanuunkana markii hore waxaa uu ka raacay jirdil ay u geysteen askarta ka bacdii waa uu qufici jiray,  quficii ayaa ku xumaaday bilihii u dambeeyay ayuu ku zaa’iday markii dambe waxaa uu bilaabay inuu dhiig matago.

Mar aan weydiiney sida in ay helaan daryeel caafimaad waxaa uu ku jawaabay“ Maya, meeshu caafimaad malahan waxaa la isa siiyaa kaniiniga baristamoolka,  oo qandho jabiyaha ah ayaa la siiyaa qofka haduu Tifow iyo malaariyo xitaa uu qabo, shalay markuu naf bixi rabay ayey qaadeen dhaqtar ayey geeyeen markii meeshii ay geeyeen wuu dhintay”

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in haddii gargaar caafimaad jiro aanu sidaa u dhimateen “Wax gargaar ah ma jiraan gargaar haduu jiro caafimaad darro qof uma dhinteen geeridu waa xaq waa lawada dhimanayaa balse silica iyo daruufta oo uu qof la daalo dhacayo muddo saddex sano ah oo aan jirin ehel u dhow oo daaweeyo waad dareemi kartaa xanuunka ay leedahay”.

Ma aha markii ugu horreysay oo xabsiga dhexe ee Hargeisa ay maxaabiis ugu dhintaab daryeel la’aan xagga caafikaadka ah.

Goobjoog News