U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Labo Askari

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Darajada 1-aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku xukuntay Labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarta la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud oo ku eedeysnaa iney dilee Saacid Maxamuud Suufi oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada waddooyinka iyaga oo ku dhex dilay saldhigga booliiska degmada Howlwadaag, kaasi oo halkaasi ku xirnaa, kuna dhaawacmay weerarkaasi taliye ku xigeenka saldhigga Howlwadaag.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunkaan ku dhowaaqay ayaa sheegay in marqaati iyo caddeyn lagu helay Labadan askari.

Weerarka askartaan ay askariga ku dileen ayaa dhacay 25-ka bishii January ee sanadkaan 2017.

Maxkamadda ciidamada qalabka sidan ayaa horey sidan oo  kale waxay xukunno dil iyo xabsiyo ah ku riidey askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News