U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Ku Riddey Labo Eedeysane

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku ridday Labo ruux oo ku eedeysnaa iney ka tirsan yihiin Al-shabaab,  lana sheegay in la qabtay iyaga oo gaari Homey ah qaraxyo ku siday.

Raggan oo la sheegay in laga soo qabtay deegaanka Godinlabe ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi.

Guddomiyaaha maxkamadda Darjada Koowaad ee ciidamada qalabka sia G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhowaaqay in Labadan eedeysane lagu kala xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii aaney ku qanacsaneyn xukunkunkaan ay Labadan ruux qaadan karaan Racfaan.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxay horey sidaan oo kale ugu xukuntay xukunno kala duwan rag lagu eedeeyay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News