U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Fulisay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goor dhow waxay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdi Maadey oo 28-sano jir ahaa, kana tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Askariga la toogtay ayaa ku eedeysnaa dilka marxuum lagu magacaabayey Maxamed Cali Cabdalla, kaasi oo uu ku dilay degmada Afgooye 05-01-2016.

Maxkamadda darajada Koowaa ayaa horey waxay askarigan ugu xukuntay inuu bixiyo diyada marxuumkii uu dilay, balse racfaan uu ka qaatey ayeey maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida waxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale marar badan u fulisay xukunno dil ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News