U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ku Riddey Labo Eedeysane

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta  dil ku xukuntay Rag  la sheegay in horay ay u dileen  Nabadoon Caan ahaa.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo loo heystay inay dileen Nabadoon  lagu magacaabi jiray Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-

1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah  ku dhashay Bakool.

2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah  ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiyada kala ah in ay ka tirsan yihiin  Al-shabaab gaar ahaan qaybta dilalka

Sidoo kale eedaysanayaasha waxaa lagu soo eedeeyay in ay dileen 02/11/2016 Marxuum Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen islagoobta ay dilka ku gaysteena ay ciidanka amniga degmada wadajir ku qabteen iyadoo lagu soo qabtay hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah labo bastoolad makaarof ah iyo hal bambo .

DOOD DHEER KADDIB.

Xasan Cali Xasan Keeroow iyo C/raxmaan Ciise cali fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin Al-Shabab  sida maxkamadu ay sheegtay

Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanayaasha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa ay cadeysay –

1- C/raxmaan Ciise cali fiidoow.

2-. Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin dambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen .

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

3-7 2-8 145