U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Riday Dilaagii Wasiir Siraaje

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta diiday racfaanka Dable Axmed Cabdulahi Caydiid, 29 jir ku dhashay Galgaduud.

Maxkamadda waxaa xukunka u cuskatay aayadda 178 e Baqara, 434 iyo 19 xeerka ciqaabta ciimada qalabka sida iyo xukunkii maxkamadda darajada 1aad, qiraalka racfaanlaha uu maxkamadda ka hor sheegay oo ahaa in 2 xabad AK 47 ku riday gaariga wasiirka, lana dhageystay marag furka marqaatiyaasha.

Maxkamadda waxaa ay sheegtay in ay dhageysatay, dambiil galay dambigii lagu soo oogay, waxaa ay maxkamadda sare ku raacday go’aankii maxkamadda darajada 1aad oo ah dil in lagu xukumo Axmed Cabdullahi Caydiid.

19-kii June ayey Maxkamadda darajada 1aad ku xukuntay xil Dable Axmed Caydiid, maanta waxaa adkeeyay maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, Wasiirka howlaha guud waxaa la dilay May 3, 2017-ka.

Goobjoog News