U bood dhigaalka

Meydad Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Hoteelka Naasa Hablood 2 Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Hoteelka Naasa Hablood 2, degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Meydad hor leh laga soo saaray halkaasi oo gabal dhacii shalay ay weerar ku qaadeen rag ka tirsan Al-shabaab.

Wararku waxay shegayaan in gudaha Hoteelka laga soo saaray illaa 8 Meyd, kadib markii dowladda ay soo gabagabeysay howlgalkii ay ka wadday hoteelkaasi, dagaal illaa habeenkii xalay ahaa halkaasi ka socday.

Dadka meydadkooda lasoo saaray saakay ayaa u badan shacab, kuwaasi oo la sheegay iney toogten raggii hubeysna ee gudaha hoteelka ka dagaallamayey.

Weerarka Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintey mas’uuliyiin isugu jira kuwo maamul goboleed, xildhibaan hore iyo dad shacab ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News