U bood dhigaalka

Micheal Keating Oo Madaxda Somaliland Kala Hadlay Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Ergeyga qamarada midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Keating  iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaalilaand Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana kulanka madaxweynaha iyo danjiraha qaramada midoobay looga wada hadlay, arrimaha la xidhiidhay siyaasadda, nabad-galyada, dimuqraadiyadda dhaqaalaha iyo mucaawinooyinka – sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Danjire Michael Keating, isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Biixi ay ka wada hadleen arrimaha la xidhiidha nabad-galyada, sidii loo horumari lahaa shaqo abuurka dhalinyarada , horumarinta caafimaadka iyo siyaasadda.

Ergeyga qaramada midoobay waxa kale oo uu ka hadlay doorka kaga aadan dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isagoo sheegay in xalka arrintaasi aanu ku jirin iska hor imaad ciidan hase ahaatee ay isku dayayaan sidii loo yarayn lahaa xiisadda u dhaxaysa labada dhinaca.

“Doorkayagu waxa weeye in aanu yarayno xiisadda si aanu kor ugu qaadno wada-hadallo dhex mara labada dhinac (Somaliland iyo Puntland) haddii uu jiro khilaaf u dhexeeya labada dhinac, sidaad ogtahayna Iska hor imaad ciidan ma ahan xalka iyo dariiqa loo marayo in la xalliyo dhibaatadan” ayuu yidhi danjire Keating

Dhinaca kale, danjire Michael Keating ayaa waxa uu ka hadlay muranka hawada ee Soomaalilaand iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in aanay Hawada soomaalidu noqon doonin mid lagu murmo balse ay tahay in Somaliland , Soomaaliya iyo ICAO isla go’aamiyaan halka laga maamulayo.

Goobjoog News