U bood dhigaalka

Microsoft Oo Dib Uga Laabatay Go’aan Ay Dooneysay In Ay Ku Xirto Qaar Ka Mid Ah Adeegyadeeda

Shirkadda Microsoft ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa dib uga noqotay go’aan ay dooneysay iney ku xirto barnaamijka Paint tool-ka kadib markii kumanaan qof ay ka xumaadeen go’aanka gabi ahaanba lagu joojinayay barnaamijka.

Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka joojineyso gabi ahaanba barnaamijka Pint ee Windows 10 ee bishisii September cusbooneysiintiisa la sugayay, isla markaana ay ku bedeli doonaan barnaamijka cusub ee Paint 3D loogu magac daray.

Megan Sanders oo ah maamulaha guud ee Applications-ka 3D ee shirkadda Microsoft ayaa yiri: “Waxaan aragnay in si ballaaran dadku ay u taageersan yihiin una jecelyihiin barnaamijyada qaar inaan la joojin, sidaa darteed waxaan go’aansannay inuu sii jiro Paint, si lacag la’aan ah ayaana uu wali sii ahaandoonaan Widows-kana looga heli doonaa”.

Dad aad u tiro badan ayaa si weyn ugu farxay in barnaamijka Paint uu wali sii jiridoono, kadib markii ay Microsoft ballanqaad arrintaa ku aaddan  ku dhawaaqday, Paint ayaa markii ugu horreysay  la soo daayay sanadkii  1985 oo ahayd markii ugu horreysay ee la isticmaalo.

Goobjoog News