U bood dhigaalka

Mid Kamid Ah Ergadii Soo Xulay Xildhibaannanda Golaha Shacabka Oo Lagu Diley Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha ku dileen mid kamid ah ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Nabadoon Xasan Jaciir oo ahaa nin oday ah ayaa kamid ahaa ergadii Hirshabelle xildhibaannada kusoo doortay, waxaana la tilmaamay in goobta dilka uu ka dhacay ay isaga baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka uu ka dhacay dilkaan ayaa sameeyay howlgallo aan natiijadooda weli la shaacin.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda  dilka Nabadoonka.

Magaalada Muqdisho sidan  oo kale waxaa loogu diley qaar kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News