Mid Kamid Ah Muruqmaalka Dekadda Berera Oo Geeriyoodey, Kadib Kunteenar Kusoo Go’ay

berbera6

Wararka ka imaanaya degmadda magaalada Berbera ayaa waxay sheegayaan in maanta uu dhintey mid kamid ah shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekaddaasi, kadib markii uu kusoo go’ay Kunteenar la doonayey in la dejiyo.

Shaqsiga dhintay ayaa lagu magacaabaa Daa’uud, wuxuuna saarnaa markab alaab kala duwan siday, kaasi oo kusoo xirtay dekadda Bebera, isaga oo kamid ahaa shaqaalaha alaabta kasoo dejinayey markabkaasi.

Qaar kamid ah shaqaalaha ka shaqeeya dekadda Berbera ayaa xaqiijiyey in sidoo kale ay jiaaan waxyeello soo gaartay Labo ruux kale oo iyaguna kamid ah isla muruqmaaalka.

Bishii tagtey sidan oo kale shaqaale ka tirsan Muruqmaalka dekadda Bebera ayaa ku dhaawacmay kunteenar kusoo go’ay iyo sidoo kale qalabka ay dejinayeen oo qaarkood kusoo furteen.

Bartamihii bishan waxay shaqaaalaha dekadda Berbera, gaar ahaan kuwa muruqmaalka ay joojiyeen shaqadii ay hayeen, iyaga oo dalbaday in marka hore meel loo saaro magdhowga haddii midkood waxyeello ay soo gaarto.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo shirkadda maamusha dekaddaasi ee DPWORLD ayaa ugu dambeyn isku fahmay in haddii shaqaale isaga oo shaqeynaya waxyeello soo gaarto ay mas’uul ka tahay xukuumadda Somaliland.

Hadda waxay muruqmaalka sugayaan waxa laga yiraahdo shaqsigan iyaga ka tirsan ee dhintay, iyadoo heshiiska magdhowgana markii la kala saxiixday ahayd 20-kii bishan.

Goobjoog News